Masuul sare oo katirsan wasaaradda Maaliyadda Yahuudda, oo uu soo xiganayo wargeyska Yadiicoot Axranoot ee ay Yahuuddu leeyihiin, ayaa daabacay in malaayiin dollar ay si maalinle ah ugu baxdo dagaalka Lubnaan.
Sarkaalka la hadlay wargeyska ayaa sheegay in maalintiiba ay dagaalka Lubnaan ku qarash gareeyaan lacag dhan 134 malyan oo dollar, intaasina ay kasii badan doonto maalmaha nasoo aadan.
Wuxuu intaa ku daray in tan iyo markii Yahuuddu billaabeen dagaalka dhanka wuqooyiga ee Lubnaan, ay ku baxday adduun lacageed oo gaaraya 6.7 bilyan oo doollarka Maraykanka.
Mar weliba oo sii xoogeysto dagaalka ayuu sheegay in dhanka kale uu sii badan doonto qarashka baxaya, iyadoo uu tilmaamay inaaney heynin ilo dhaqaale oo maalgelin karta dagaalka socda.
Reer galbeedka oo ay ugu horeeyaan Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa taageero dhan weliba ah la garab taagan Yahuudda, waxaana la rumeysanyahay in haddii aaney Yahuuddu wax taakulo ah heli lahayn aaney maalin gelinkeed dagaalka Qazza iyo Lubnaan sii wadi karin.