HomeAll newsAhmiyadda ay Leedahay Nooleynta Dhulka & Sida uu Islaamku u Boorriyay Arrinkaas.

Ahmiyadda ay Leedahay Nooleynta Dhulka & Sida uu Islaamku u Boorriyay Arrinkaas.[WARBIXIN]

Dhulku waa meere isku xiraya bani’aadamka islamarkaana ay ku dul nool yihiin, waa turaabta mida laga abuuray bai’aadamka, iyada ayaana ah halka ay dagan yihiin iyo hooygooda intaba, waxaa ku keydsan quutka khalqiga, halka dusheedana ay maciishadoodu ka helaan, Insaanka ayaana ah mid ku amran inuu ku dul socda dhulka, si uu wax uga soo saarto una helo kheerka ballaaran ee ku dhex jira, iyadoo intaasi ay sii dheertahay, in uu yahay aayad Alle oo ka marqaati kaceysa jiritaankiisa.

Kheyrka dhulka ku keydsan laguma helo ciyaar ciyaar iyo shaqo la’aan, sidaas darteed ayuu Allaah dadka faray in loo sacyiyo sidii wax looga soo saaran lahaa dhulka, camiridda dhulka ayuuna na dhaxal siiyay, kaas oo noqday mashquulka ugu badan ee bani’aadamku la nool yahay, Milkiyadda dhulka ayaana noqotay daahirad bulsho oo saman kasta iyo xilli waliba uu insaanku la nool yahay, dhul bixinta ayaana manzilad weyn ku dhex leh howlaha dowladaha, sidaas ayuuna dhulku ku noqday xarun dhaqaale, ganacsi iyo wixii lamid ah oo ay dadku ku mashquulaan maciishadoodana ka raadiyaan.

Dhulka ayaa uqeybsama 2 qeybood, midi waa kan la maal gashaday ee miraha lagu beeray warshadona laga hir galiyay, sidoo kalena la deegaameystay, qeybna waa mid la iska hilmaamay oo aan la maal gashan oo duur ah, waana taas midda ugu badan ee caalamka laga helayo si gaar ah wadamada Muslimiinta, inkastoo qeybta 1aad ay tahay mid yar, ayaa waxaad haddana arkeysaa iney ku doodayaan oo ay ku dagaallamayaan dowladaha iyo shucuubta, iyagoo dhulka kala boobaya, is gumeysanaya, ilaha muhiimka ahna iskala dagaallamaya, halka qeybta kale oo ah tan masaaxo ahaan ugu weynna ay tahay mid uu murankeedu yar yahay, islamarkaana aan tirsan, taas oo loo yaqaanno dhulka dhintay, waxaaba dhacda in iyadoo ay dadku gaajo ula’anayaan ay haddana fursaddu tusi weysay iney dhulkaasi maalgaliyaan oo ay nooleeyaan.

Diinteenna Islaamka ayaa ahmiyad ballaaran siisay ka faa’iideysiga dhulka, waxaana meelo badan oo Qur’aanka kariimka ah kamid ah kusoo arooray, in insaanku uu udhaqaaqo sidii uga uga faa’iideysan lahaa  dhulka, haddii ay meeli ku ciriiri noqotana uu aado meel kale si uu helo nolol ka wanaagsan midda uu ku jiro, Allaah Subxaanahu Watacaalaa ayaana Kitaabkiisa Caziizka ah ku yiir: (هُوَ الَّذِي جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ ذَلُولًا فَامْشُوا فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُوا مِن رِّزْقِهِ ۖ وَإِلَيْهِ النُّشُورُ)

Halkaan ka Degso Warbixinta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular