HomeAll newsAl-Burhaan oo Xil Kaqaadis ku Sameeyey Wasiiro Katirsan Xukuumadda Milliteriga.

Al-Burhaan oo Xil Kaqaadis ku Sameeyey Wasiiro Katirsan Xukuumadda Milliteriga.

Madaxa golaha Sare e Suudaan C/Fataax Al-Burhaan, ayaa xilka qaadis ku sameeyay, wasiirada aarrimaha dibadda, warfaafinta, iyo midka uqaabilsan waxa loogu yeero awqaafta.

Bayaan kasoo baxay golaha sare ee Suudaan ayaa lagu sheegay, in Al-Burhaan uu xilkii ka qaaday wasiirka arrimaha dibadda Xuseen Cowdh Cali kuna bedelay CaliYuusuf oo jagadaasi xilligan ku fadhiya.

Sido kale bayaan kasoo baxay  Al-Burhaan ayaa lagu sheegay, uu xilalii ka casilay wasiirka warfaahinta iyo kan u qaablisan wax ugu yeeraan arrimaha diinta iyo awfaaqta, islamrkaana lagu bedelay, Khaalid Cali oo ah wasiirka warfaafinta iyo Cumar Bakhiit oo ah wasiirka waxay ku magacaabaan diinta iyo awqaafta.

Arrintan timdi kadib mrkii golaha wasiirada ee dowladda Suudaan ay shir yeesheen islamarkaana go’aamiyeen, in jagooyinka loo magacaabo dad cusub.

Sido kale waxay kusoo aadeysaa iyadoo uu wadankaasi ka soconayo, dagaal dabadheeraaday oo ay xukuumadda Suudaan kula jirto kooxda RSF ee uu hogaamiyo Maxamad Xamdaan Doqlo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular