Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta waxa ay weerar qarax ah ka fuliyeen, deegaan katirsan gobalka Mudug ee bartmaha Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Qeycad oo katirsan gobalka Mudug, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Waxaa qaraxaasi ku dhintay 1 askari oo katirsan Dowladda Fearaalka, kaas oo kamid ahaa askartii qaraxa lala beegsaday.
Sidoo kale weerar ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin deegaanka Eegeey ee hoostaga Dhadhaab oo kamid ah gobalka Gaarisa ee ay gumeysato Kenya.
Intii uu dagaalku socday waxa uu dab qabsaday teendho xirada ugu tiillay askarta Kenya, waxaana gubtay teendhadii iyo wixii agab ahaa ee ku ku jiray.