HomeAll newsDowladda Federaalka oo Xabsiga Dhigtay Askar iyo Saraakiil Katirsan Ciidankeeda.

Dowladda Federaalka oo Xabsiga Dhigtay Askar iyo Saraakiil Katirsan Ciidankeeda.

Afhayeenka ciidamada Booliiska Dowladda Federaalka Cabdi-fitaax Aadan Xasan, oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay iney xabsiga dhigeen 12 ruux oo isuga jira askar iyo saraakiil katirsan Dowladda Federaalka, oo shalay ka dagaallamay qeybo kamid ah degmada Hodan.

Ciidankan oo katirsan milliteriga Dowladda Federaalka, ayaa ka horyimid tallaabo ay ciidamada Booliiska ku burburinayeen xaafad katirsan degmada Hodan.

Dagaalkaas ayaa lagu gubay gaari nooca cagaf cagafta ah, oo ay Dowladda Federaalka u adeegsaneysay burburinta.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular