Wasiirka arimaha dibadda Dowladda Federaalka, Axmed Macallin Fiqi, ayaa markale ku celiyay in xilligan aaney safaaradda Itoobiya ka rari karin madaxtooyada.
Wuxuu sheegay in marka uu dhinac u dhaco arinta la xiriirta khilaafka Dowladda Federaalka iyo Abiy Axmed, ay safaaradda Itoobiya ka rari doonaan Madaxtooyada.
Dadka falanqeeya arimaha siyaasadda ayaa astaan muujineysa in dalka Soomaaliya gumeysi ku jiro ku tilmaama, in safaaradda Itoobiya ay dhex degantahay madaxtooyada, xilli Dowladda Federaalka ay ku faanto iney tahay dowlad madax banaan.