HomeAll newsImaam Masjid oo lagu Dilay Gobolka Oromada ee Dalka Itoobiya.

Imaam Masjid oo lagu Dilay Gobolka Oromada ee Dalka Itoobiya.[DHAGEYSO]

Wararka ka imaanaya gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay weerar argagax badan oo lagu beegsaday dad muslimiin ah, xilli ay ku sugnaayeen masjid ay ku cibaadeysanayeen.

Weerarka ayaa ka dhacay mandiqad lagu magacaabo Dera, oo dhacda wuqooyiga gobolka Shaw ee dalka Itoobiya, kooxda weerarka geystay ayaana afduubtay imaamka masjidka oo lagu magacaabo Sheekh Muxammad Makiin Xaaji, iyo 12 kamid ah xertiisa gaarka ah.

Xisbi mucaarad ah oo kadhisan gobolka Oromada ayaa bayaan uu soo saaray wuxuu ku sheegay in afduubka loo geystay imaamka masjidka iyo jamaacadiisa uu dhacay bil kahor, kooxda afduubka geystay oo katirsan ciidamada jabhadda Mucaaradka Oromada ee OLA ayaana dalbaday in madax furasho laga siiyo sheekha ay afduubeen iyo ragga la socday.

Dhawaan ayaa lagu wareejiyay kala bar lacagta ay dalbadeen oo gaareysay 3 million oo lacagta birta ah, hase ahaatee inta aan loo dhameystiran lacagtii ay dalbadeen ayay ku kaceen falkan argagax badan ee ay ku dileen Sheekh Muxamad Makiin Xaaji, oo ahaa imaamka masjid ku yaala degmada Dera ee gobolka Shaw.

Muslimiinta Itoobiya ayaa wajahaya xaalad adag, iyadoo ay si isku mid ah u beegsanayaan ciidamada Federaalka iyo malleeshiyaadka hubeysan, gobollada Oromada iyo Amxaarada ayaana waayadii u dambeeyay waxaa ka dhacayay kiisas dil iyo afduub isuga jira, oo ay geysanayaan malleeshiyaadka hubeysan iyo xitaa ciidamada Itoobiya.

Halkaan ka Degso Warka Imaamka La Dilay

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular