Aroornimadii hore ee maalintii shalay Jabhadda Oromada ee OLA ayaa weerar cagmarin ah waxa ay ku qaday, xero ay askarta Dowladda Xabashida Itoobiya ku leeyihiin magaalada Wajaale ee gobalka Oromiya.
Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Jabhadda Oromada ayaa udaatay xerada, iyagoona halkaasi ku dilay in ka badan 50 askari iyo masuuliyiin katirsan Dowladda Itoobiya.
Gudoomiyihii degmada Wijaale ee gobalka Oromiya Ngusaye Koru, ayay sidoo kale dagaalka ku dileen ciidamada Jabhadda Ooromada, iyagoo dhaawacay madixii maleeshiyaadka degmadaas kaas oo loo qaaday magaaalada Adis Ababa.
Agabyo millatari iyo hub badan ayay sidoo kale kooxdu sheegtay iney kusoo furatay weerarkaan oo ahaa mid qorsheysan.
Maamulka Oromiya oo ka hadlay weerarka ayaa xaqiijiyay geerida gudoomiyihii degmada Wijaale ee woqooyiga Shawa, kaas oo ay sheegeen in ciidamo gurmad ah oo uu watay ay wadada ugaleen kooxaha weerarka soo qaaday, sidaasna lagu dilay, balse kooxda OLA ayaa sheegtay in gudoomiyaha ay ku dhex dileen xerada halkaas oo uu ku sugnaa xilligii uu weerarku dhacayay.
Isbuucyadii lasoo dhaafay, Jabhadda Oromada ee OLA ayaa ayaa waxa ay gobalka ka waday weeraro xooggan oo ay ku dhiig bixineyso ciidamada Dowladda Xabashida Itoobiya, taas oo keentay in maamulka Oromiya uu qaado tallaabooyin uu ku kala dhantaalayo awoodda kooxdaas.
Madax katirsan Jabhadda ayay sheegeen iney la kulmeen, si ay uxagal daaciyeen kooxdaan, balse waxa ay jabhaddu sheegtay iney mar hore ceyrisay masuul iyada katirsanaa oo uu maamulka Oromiya sheegay iney wadahadal la fureen.
Kooxda ayaa sidoo kale mudooyinkii lasoo dhaafay kordhisay, tabarrada ay siineyso dhalinyarada safkeeda kusoo biiraya, iyadoo hir galisay mucaskaraad cusub.
Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka socda dagaallo lafa jabis ah oo udhexeeya ciidanka xukuumadda Adis Ababa, iyo maleeshiyaadka qowmiyadaha dega dalkaas, kuwaas khasaare culus dhaxal siiyay ciidanka dowladda dhulkana la galay dhaqaalihii Itoobiya.