HomeAll newsInta Badan Bulshada Kenya oo Dalbaday in Ciidankooda Laga Saaro Soomaaliya.

Inta Badan Bulshada Kenya oo Dalbaday in Ciidankooda Laga Saaro Soomaaliya.

Aragti-uruurin la Sameeyay ayaa Muujisay in Shacabka Kenya ay Doonayaan in Ciidankooda Laga Saaro dalka Soomaaliya, oo ay duullaan milliteri ku joogaan.

Warbixin uu daabacay wargeyska The Standard oo kamid ah wargeysyada ugu afka dheer ee kasoo baxa dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in inta badan shacabka Kenya ay dalbanayaan in ciidankooda ka jooga Soomaaliya, laga soo saaro dalkaas, dibna loogu soo celiyo gudaha dalka.

Shirkad lagu magacaabo IPSOS oo sameysa diraasaatka iyo aragti uruurinta, fadhigeeduna yahay dalka Ingiriiska, ayaa sheegtay in aragti uruurin ay la dhex qaaday shacabka Kenya ay muujineyso in badankood dadka Kenyaatiga ah door bidayaan in ciidankooda jooga Soomaaliya dib loogu soo celiyo dalka Kenya.

Sida ay tilmaameyso aragti uruurintan, 68% shacabka Kenya waxay ka dalbanayaan xukuumadooda, iney Soomaaliya kasoo saarto ciidanka Kenya ee qeybta ka ah duullaanka Shisheeyaha, tani oo muujineysa sida shacabka Kenya ay quus uga taaganyihiin wiilashooda ku le’anaya dagaalka Soomaaliya.

Marka laga hadlayo dadka aragtidooda dhiibtay, 15% waxay ku talinayaan in ciidamada milliteriga Kenya laga soo saaro Soomalaiya, laguna bedelo ciidan kale, halka tiro intaas lamid ah ay ku doodayaan inaaney habooneyn in xitaa lagu bedelo ciidamo kale , 38% kamid ah dadka aragtida dhiibtay ayaa iyaguna ku talinaya in ciidanka Kenya dib loogu soo celiyo xad-beenaatka Soomaaliya iyo Kenya.

Sida ay tilmaameyso warbixinta uu daabacay machadka IPSOS, islamarkaana uu baahiyay wargeyska The Standard, 40% shacabka Kenya waxay rumeysanyihiin in ciidankooda jooga Soomaaliya, ay sabab u noqdeen kororka weerarada abaabulan ee gudaha dalka Kenya ka fulineyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyagoo aaminsan haddii ciidamada Kenya ay kasoo baxaan Soomaaliya inuu isbedel ku imaanayo weerarada ka dhacaya gudaha Kenya.

Gobolka dhaca xeebta Kenya, ee ay ku noolyihiin dadka Muslimiinta ee kujira gumeysiga dowladda Kenya, ayay warbixintu sheegeysa in 71% dadka ku sugan ay ka cabsi qabaan weerarada ka imaanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo dabcan ah dadka Nasaarada, halka 41% dadka ku nool dhulka NFD ee ay Soomaalidu leedahay iyaguna ku jirana cabsida ah weeraro ka yimaada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Gobollada xeebta iyo NFD ayaa ah dhul ballaaran oo ay leeyihiin Muslimiinta, waxaana xoog lagu deegaameeyay dad nasaaro ah, kuwaasoo sanadihii u dambeeyay wajahayay weeraro kaga imaanaya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo si firfircoon uga howlgala halkaas.

Kenya ayaa kusoo duushey Soomaaliya sanadkii 2011-ka, tan iyo xilligaasna waxay ciidankeedu tacadiyaad iyo gabood fallo xanuun badan ka geysanayaan gobollada Jubbada Hoose iyo Gedo oo ay duullaan qaawan ku joogaan, taas bedelkeeda ciidanka Kenya waxa uu la kulmay weerar laayaan ah oo ay fulisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaasoo dhegta dhiiga loogu daray boqollaal askari oo katirsan ciidanka KDF.

Halkaan ka Degso Warka Aragtida Shacabka Kenya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular