Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa maanta waxay weerar madaafiic ah la beegsadeen xarunta ugu weyn ee ay Shisheeyuhu ka deganyihiin magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, oo ah xerada Xalane.
Madaafiicda ayaa ku dhacay gudaha xerada Xalane, halkaas oo talis u ah duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, islamarkaana deganyihiin badi safaaradaha dowladaha qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa duqeynta ku dhintay 3 ruux oo caddaan ah, oo kamid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay, iyo 2 askari oo Ugandhees ah, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kamid ah ciidamada Uganda ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.
Warar dheeraad ah oo la helayo waxay tilmaamayaan, in madfac uu ku dhacay goob ay ku cunteynayeen ciidamo Ameerikaan ah, kuwaasoo noqday dhimasho iyo dhaawac.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka, waxaana dhowrjeer oo hore ay xerada Xalane la kulantay weeraro duqeymo ah iyo kuwa toos ah, oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.