HomeAll newsKooxda RSF oo Dab Qabadsiiyay Deegaanno ku Yaala Dalka Suudaan.

Kooxda RSF oo Dab Qabadsiiyay Deegaanno ku Yaala Dalka Suudaan.

Kooxda lagu magacaabo AD-Damcu As-Sariic ee ay taageerto xukuumadda Imaaraadka Carabta, ayaa sii kordhisay gumaadka ay ku heyso shacabka Suudaan.

intii lagu gudajiray Labada todobaad ee lasoo dhaafay oo kaliya, waxay dab qabadsiiyeen islamarkaana dadkii deganaa waxay xasuuqeen iyo kuwo ay qixiyeen ka dhigeen, tuulooyin gaaray illaa 45 oo dhaca waqooyiga gobolka Daarfuur ee dhaca Galbeedka Suudaan.

Tuulooyinkan 45-ta ah, waxay middii ugu dambeysay kooxda RSF gubeen maalintii Khamiista ee aynu soo dhaafnay, in ka badan 20 oo ruux ku noolaa tuulooyinkan ayaana u qaxay dalka Tashaad ee deriska la ah wadanka Suudaan, maadaama wixii ay ku noolaan lahaayeen oo dhan ay kooxdan ka dhigtay waxay baabi’isay iyo wax ay qaadatay.

Kooxda RSF kuma ekeysan gubitaanka toolooyinka oo kaliya hase ahaatee waxay laayeen qaar kamid ah raggii oo isugu jiray dhalinyaro iyo waayeel.

Wixii hanti ahaa ee dhexyiilay Suuqyadii ay lahaayeen dadka ku noolaa waxaa qaatay kooxda RSF, waxay sido kale  burburiyeen ceelashii biyaha iyo goobihii caafimaadka.

Intaasi waxaa sii dheer afduubka dhalinyarada, kufsiga dumarka, iyo lacagaha kumanaanka Doollar ah ee ay ka qaadanayaan dadka ku afduuban.

Dadkii  ka qaxay tuulooyinkii la gubay ayaa haatan halkii ay ka tageen ku wajahaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah, maadaama malleeshiyaadkan ay xooga uga qaateen xoolihii ay dhaqanayeen iyo dalagyadii beeraha uga soo go’ay, iyagoo sido kale horay ugubay suuqyadii ay lahaayeen dadkan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular