Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo bxeysa weerar culus oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xero ay askarta maamulka la baxay Jubbaland ku leeyihiin gobalka Jubada-hoose.
Weerarka ayaa lagu qaaday, xerada oo lagu magacaabo Meeri kuna taalla duleedka deegaanka Kaambooni ee gobalka Jubada-hoose.
Ugu yaraan 6 askari oo katirsan maamulka la baxay Jubbaland ayaa lagu dilay weerarkaan, halka lagu dhaawacay 12 kale.
Waxaa intaa dheer oo nolol iyo geeri lagu la’yahay 2 askari, halka ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarka kusoo furteen 5 qori oo AK-47 ah iyo qori PKM ah.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday, saldhigga askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin degmada Xudur ee gobalka Bakool.