Maleeshiyaad hubeysan ayaa la wareegay dhul ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho oo ay Dowladda Fedaraalka burburisay.
Maalintii shalay maleeshiyaad hubeysan ayaa waxa ay la wareegeen, dhul ku yaalla deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay dhawaan burburin ka geystay Dowladda Fedaraalka.
Iyagoo hubkooda wata ayay isku geedaameen dhulka la burburiyay, waxa ayna sheegeen iney ka difaacan doonaan Dowladda Fedaraalka oo ay la dagaallami doonaan.
Qaar kamid ah milkiilayaasha guryaha la burburiyay oo la safan kooxahaan hubka wata ayaa waxa ay sheegeen, in ay geeri ka xigaan dhulkooda oo la boobo, ayna dagaal kala hortagayaan ciddii kusoo duusha.