HomeAll newsNaceybka Muslimiinta oo Kusoo Badanaya Wadanka Biljimka.

Naceybka Muslimiinta oo Kusoo Badanaya Wadanka Biljimka.

Guud ahaan Yurub waxaa aad ugu faafaya nacaybka ka dhanka ah dadka Muslimiinta iyo falalka la xiriirka ee cunsuriyadda ee ay ku dhaqaaqayaan dadyowga udhashay wadamadaasi.

Hay’adda Midowga Yurub u qaablisan dhanka xuquuqda Aadanaha ayaa warbixin ay soo saartay maalmo kahor waxay ku shaacisay, in falalka la xiriirka cunsuriyadda iyo takoorka ee lagu sameynayo dadka Muslimiinta ah ay aad usii kordheen guud ahaan Yurub tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2016-kii.

Wadamada sida aadka ah loogu takoorayo ee katirsan Yurub oo kamid ah Biljimka, waxaana Muslimiinta halkaasi ku nool noqdeen dadka ugu badan ee laga takooro wadankaasi.

Maamulaha Xarunta farsadaha loo siman yahay ee wadanka biljimka oo ay wakaaladda wararka ee Anaadool waxkaweydiisay warbixinta kasoo baxdda hay’adda xuquuqul Insaanka uqaablisan Midowga yurub, ayaa sheegay in arrintaasi tahay mid aan la inkirin, dadka ugu badan ee laga takooro dalkaasina yihiin Muslimiinta.

Caawadda ka dhanka ah Muslimiinta ku nool dalka Biljimka ayuu sheegay iney tahay mid aan qarsooneyn, islamarkaana Muslimiinta wadankaasi lagu taakoor goobaha waxbarashada, ganacsiga.

Wuxuu intaasi ku daray, in marka laga hadlayo nacaybka la xiriira diimaha ee wadankaasi, ay 90% la kulmaan dadka Muslimiinta. Waxaana intaasi usii dheer heyb sooca, hadallada muujinaya nacaybka iyo weeraro toos ah oo si gaar ah loogu beegsnaayo iyaga.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular