War kasoo baxay dowladda Maraykanka ayaa lagu sheegay, in sarkaal katirsan ciidamada Maraykanka uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray magaalada Qazza ee sanad kabadan wajaheysa gumaad iyo xasuuq.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada Maraykanka, sarkaal ameerikaan ah oo lagu magacaabo Quandarius Davon Stanley, kana mid ah ciidamada Maraykanka, ayaa u dhintay dhaawac soo gaaray xilli uu ku sugnaa magaalada Qazza.
Sarkaalka geeriyooday ayaa la sheegay inuu ka qeybgalayay shaqo aan dagaal ahayn, taasoo aan si rasmi ah loo cadeynin waxay tahay, laakiin sida muuqata wuxuu kamid yahay ciidamada Maraykanka ee ka barbar dagaallamaya kuwa Yahuudda.
Maraykanka ayaa taageero nooc weliba ah la garab taagan Yahuudda, wuxuuna qeyb ka yahay xasuuqa maalinlaha ee lagu hayo Muslimiinta Qazza iyo go’doominta sababtay iney gaajo u dhintaan caruur iyo hooyooyin umul ah.