Madaxweynihii hore ee Dowladdii kumeel gaarka Shariif Sheekh Axmed, ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadii uu Xasan Sheekh Maxmuud ka hor sheegay baarlamaanka ee ahaa inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, isagoo tilmaamay inaaney xilligan dhici karin doorasho noocaas ah.
Hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa kusoo aaday, iyadoo maalintii shalay uu Xasan Sheekh Maxmuud ka hor hadlay labada aqal ee Baarlamaanka, kana codsaday iney fasaxa ay bil dib u dhigtaan, waqtigaasina ku meel mariyeen qawaaniin la xiriirta doorashooyinka.