Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday, saldhigyo ay askarta Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin gobalka Sh-hoose.
Weerarka koowaad waxaa lagu qaaday, xerada ay askarta Shisheeye gaar ahaa kuwa Uganda ay ku leeyigiin deegaanka Buufow oo hoostaga degmada Jannaale ee gobalka Sh-hoose.
Sidoo kale waxaa xalay la weeraray saldhigga ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin xaafadaha Mukayga iyo Haanta dheer ee degmada Afgooye ee isla gobalkaas.
Illaa iyo hadda ma aanan helin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan khasaaraha askartaa Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ku gaaray weeraradaan.