HomeAll newsXasan Sheekh oo Kenya ka Codsaday Iney Kala Hadasho Axmed Madoobe.

Xasan Sheekh oo Kenya ka Codsaday Iney Kala Hadasho Axmed Madoobe.

Iyadoo uu meel xun marayo khilaafka siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo maamulka labaxay Jubbaland, ayaa waxaa khilaafkan soo farageliyay dowladda Kenya, ee ay ciidamadeedu qeyb ka yihiin duullaanka Soomaaliya, ahna cida dhistay maamul goboleedka uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Wafdi ka socda dowladda Kenya ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka labaxay Jubbaland, iyagoo la kulmay Axmed Madoobe, kalana hadlay khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Xasan Sheekh Maxmuud.

Wafdiga ay dowladda Kenya usoo dirtay magaalada Kismaayo ayaa waxay kala yihiin Maxamed Cabdi Afeey oo ahaa ergeygii hore ee Igad u qaabilsanaa arimaha Soomaaliya, Maxbuub Macalin xoghayihii hore ee fulinta ururka IGAD iyo Cabdi-raxmaan Colow oo ah senatarkii hore ee gobolka Wajeer, kuwaasoo dhamaantooda kamid ah Soomaalida ku hoos jirta gumeysiga Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Madaxtooyada maamulka labaxay Jubbaland, ayaa lagu sheegay in wafdiga ka socda dowladda Kenya ay u yimaadeen Kismaayo, sidii loo dhex-dhexaadin lahaa maamulkooda iyo Dowladda Federaalka, iydaoo qoraalka lagu xusay in arintani uu Kenya ka codsaday Xasan Sheekh Maxmuud.

Tani ayaa kamid ah astaamaha muujinaya gumeysiga uu kajiro dalka Soomaaliya, iyo in maamul goboleedyadu aaney ka amar qaadanin Dowladda Federaalka, oo uu dalku kala qeybsanyahay, siyaasadda federaalka ayaana ah qorshe gumeysi oo ay Shisheeyuhu ka hirgeliyeen dalka, lana doonayo in si fudud dalka loogu kala qeybiyo, maamul welibana uu maraan fogeyn ku dhawaaqo inuu yahay dowlad madax banaan.

Halkaan ka Degso Warka Xasa Sheekh

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular