Maamullka la baxay Soomaaliland ayaa Dowladda Fedaraalka ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dagaalladii ka dhacay gobalka Togdheer.
War qoraal ah oo kasoo baxay maamulka la baxay Soomaliland, ayaa waxaa madaxweynaha Dowladda Fedaraalka loogu jeediyay eedeyn ah, inuu isaga ka dambeeyay dagaallo ka dhacay gobalka Togdheer oo udhexeeyay ciidamada maamulkaas iyo kuwa la baxay SSC.
Warsaxaafadeedka oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka la baxay Soomaaliland, ayaa lagu sheegay in duullaankaasi laga soo abaabulay magaalada Muqdisho, laguna doonayay in lagu carqaladeeyo doorashooyinka ka socda dhulka uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.