HomeAll newsXasan Sheekh oo Markale ku Celiyay Inuu Qabanayo Doorasho Qof iyo Cod...

Xasan Sheekh oo Markale ku Celiyay Inuu Qabanayo Doorasho Qof iyo Cod ah.

Isagoo kahor hadlayay xillibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka, ayuu Xasan Sheekh Maxmuud wuxuu markale ku celiyay inuu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah.

Xasan Sheekh Maxmuud ayaa xillibaannada Baarlamaanka, wuxuu ka codsaday iney dib u dhigtaan fasaxa, muda bil gudaheedna ay ku meel mariyaan qodobada uu doonayo in loo meel mariyo, ee la xiriira arimaha doorashooyinka.

Gudoonka Baarlamaanka Dowladda Federalaka ayaa wuxuu kulanka ka sheegay in xillibaannadu ay isku raaceen, in muda bil ah sii shaqeeyaan, si ay uga doodaan qodobada la xiriira doorashooyinka ee uu wadato Villa Soomaaliya.

Xillibaannada mucaaradka ayaa aad uga horyimid tallaabada guddoonka Baarlamaanka, iyagoona waxa dhacay ku tilmaamay khiyaano qaran, sida ay warka u dhigeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular