HomeAll newsXuuthiyiinta Yemen oo Ku Hanjabay Sii Wadista Weerarada Badda Cas.

Xuuthiyiinta Yemen oo Ku Hanjabay Sii Wadista Weerarada Badda Cas.

Malleeshiyaadka Xuuthiyiin ee heysta qeybo kamid ah dalka Yaman oo dhawaanahanba beegi u hayay Maraakiibta Shisheeye ee maraya badda Cas iyo Baxrul Carab, ayaa mar kale ku hanjabay iney si gaar ah ubartilmaameedsan doonaan maraakiibta uu leeyahay maamulka Yahuudda ee maraya badda.

Waxay sheegeen iney xogo sirdoon oo ay heleen ay sheegayaan, in shirkadaha Yahuuddu ay bilaabeen iney shixanadahooda ka iibiyaan shirkado kale, si ay uga xeeladeystaan weerarada ay kula kulmayaan gudaha badda.

Afhayeenka kooxda oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay ineysan wax tixgelin ah siindoonin haddii ay badda soo maraan maraakiib ay asal ahaan leeyihiin Yahuuddu oo laga bedelay calanka uu wato markabka ama qofka iska leh, isagoo uga digay dhamaan shirkadaha la macaamila Yahuudda ee ku howlan arrimahan.

Xuuthiyiinta oo taageero xooggan ka helay dowladda Shiicda ah ee Iiraan, ayaa marar badan fuliyay weeraro kala duwan oo dhanka badda ah, islamarkaana ay khasaarooyin kasoo gaareen maraakiibtii la beegsaday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular