Waxaa caasimadda dalka Masar ee Alqaahira lagu dilay Askari katirsan Xukuumadda Masaarida, kadib markii kooxo hubeysan ay weerar soo qaadeen.
Ciidamada la weeraray oo ku sugnaa bar Kontorool oo lagu magacaabo Al-Miizaan ayaa waxaa rasaas ku furey labo nin oo watay Mooto dheereysa, waxaaan durba markii rasaasta la furey ku dhintey hal Askari halka labo kalana ay dhaawcyo soo gaareen.
Raggii weerarka fuliyey ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aysan jirin wax dhib ah oo ay la kulmeen, mana jirin Ciidamo ka daba tagay ama baaritaan lagu raadinayay sameeyey.
Magaalada Al-Qaahira iyo deegaanada u dhow waxaa mudooyinkii ugu dambeeyey kusoo badanayey Weeraro noocaan oo kala ah, kuwaas oo lagu beegsanayo Ciidamada Booliiska iyo kuwa Amaanka ee xukuumadda Afgembiga dalka Masar.