HomeAll newsWax ka baro Salaadda Taraawiixda iyo Taariikhdeeda.(Dhagayso)

Wax ka baro Salaadda Taraawiixda iyo Taariikhdeeda.(Dhagayso)

Marka uu dhaco adinka salaadda Maqrib, ayna dhalato bisha barakeysan ee Ramadaan, waxay muslimiinta daafaha aduunka ku nool is dhaafsadaan tahniyadda iyo hambalyada la xiriirta bishan barakada leh, iyadoona muslimiintu isku diyaariyaan iney la yimaadeen acmaal badan oo Allaah u dhaweneysa.

Warbixintan, waxaan kusoo gudbin doonnaa mid kamid ah cibaadada ay gaarka la tahay bishan barkeysan ee Ramadaan, muslimiintuna ay aad uga faa’ideystaan taas oo ah salaadda Taraawiixda.

Salaadda Taraawiixdu waa mid kamid ah sunooyinka mu’akadka ah ee ka sugan Nabiga Sallaahu caleyhi wasallam, waxaana axaadiista ku cad in nabigu dhowr habeen saxaabada ku tujiyay masjidka, markii dambena u wareegtay gurigiisa, cabsi uu ka qabay in salaadan lagu waajib yeelo muslimiinta.

Balse khaliifkii labaad ee muslimiinta Cumar binul Khadhaab radiyallaahu canhu, oo ahaa qof mulham ah ayaa waxaa uu go’aansaday inuu jamciyo muslimiinta, si ay jamaaco ugu tuktaan salaadda Taraawiixda.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan salaadda Taraawiixda

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular