HomeAll newsItoobiya Oo Map-ka wadamada Africa ka saartay Soomaaliya.

Itoobiya Oo Map-ka wadamada Africa ka saartay Soomaaliya.

Dowladda Xabashida Itoobiya oo cadaawad fog u qabta shacabka Soomaaliyeed, kumanaan katirsan ciidamadeedana ay duulaan ku joogaan Soomaaliya ayaa si toos ah khariirada dalalka Africa waxay uga saartay wadankeena.

Khariirad cusub oo lagu baahiyay webka rasmiga ah ee wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa muujineysa magacyada dhamaan dowladaha Africa, marka laga reebo Soomaaliya, waxaana halka ay Map-ka kaga taallo Soomaaliya lagu fidiyey dalka Itoobiya.

Arinta la yaabka leh waxay tahay in dowladda Itoobiya ay maamulka gooni isu taaga ah ee Soomaali-land ay u aqoonsatay inuu yahay dal madax banaan, iyadoo bedelkeeda Soomaaliya inteeda kale iyada is laheysiisay.

Inkastoo Aqoonyahannada Soomaaliyeed iyo waxgaradkuba ay horey u sheegeen in Itoobiya ay dooneyso in si toos ah ula wareegto Soomaaliya, ayaa hadana khariiradan cusub ee ay baahisay Itoobiya waxay daliil cad u tahay damaca fog ee Xabashida.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed ayaa horay u sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay yihiin hal dal, isagoona dadkiisa u ballanqaaday iney inta kasoo shaqeystaan Muqdisho ay isla markiiba kusoo laabtaan wadankooda.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular