Dagaalyahanno katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay gacan ku heynta deegaanka Af-Urur oo hoos yimaada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Warar kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiinta ay hadda si buuxda u maamulayaan gacan ku heynta deegaanka, halkaas oo ay dadka deegaanku kusoo dhaweeyeen.
Ciidamadii ka tirsanaa maamulka Puntaland ayaa ka cararay deegaanka, iyagoona u baxsaday dhinac iyo magaalada Boosaaso xarunta gobolka Bari.
Majirto faafaahin intan ka badan oo laga helay Af-urur oo lagu xusuusto weerarkii weynaa ee sanado kahor ay ku qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, halkaas oo lagu dilay kontomeeyo katirsan ciidamada maamulka Puntland.