Maamulka Aala-sucuud oo qorsheynayo inuu dal dalo wiil isagoo 10 jir ah ka qeybgalay banaanbax ka dhan ah maamulkaas.
Telefeshinka laga leeyahay wadanka Maraykanka ee lagu magacaabo CNN ayaa baahiyay warbixin ku aadan in maamulka Aala-sucuud uu doonayo inuu toogto wiil uu xabsiga dhigay isagoo toban jir ah, balse hadda jira 18 sano.
Wiilkan ooo lagu magacaabo Murtaja Qariiriis ayaa sanadkii 2011-ka, wuxuu isaga iyo caruur ku da’ ah ay ka qeybgaleen banaanbax ka dhacay gobolka Al-qadhiif, kaas oo lagu muujinayay cabasho ka dhan ah maamulka Aala-Sucuud.
Aala-sucuud ayaa wiilkan xiray xilligaas, waxaana sida uu sheegayo CNN uu la kulmay tacdiib kala duwan oo ay ku jiraan jirdil, si uu qirto inuu xubin ka ahaa waxa loogu yeero Argagaxisada.
Xogtan oo uu tvgu kasoo xigtay ilo muhiim lagu tilmaamay oo gudaha maamulka Aala-sucuud ayaa sheegeysa in maalmaha soo socda lagu wado in la toogto MUrtaja, taas oo dhalisay wal walka qoyskiisa iyo guud ahaan dadka ku nool Caalamka.
Xabsiyada Aala-sucuud waxaa ku xiran kumanaan ruux oo ay ku jiraan dumar iyo caruur da’ yar, kuwaas oo dembi looga dhigay waxaan jirin, dhabarkana loo saariyay eedeymo aaney qaadi karin.