HomeAll newsWeerar lagu qaaday Masjid ku yaala koonfurta wadanka Faransiiska.

Weerar lagu qaaday Masjid ku yaala koonfurta wadanka Faransiiska.

Wararka ka imaanaya koonfurta Faransiska ayaa ku waramaya in weerar hubeysan lagu qaaday masjid ku yaala magaalada Baywan ee koonfurta wadankaas, kaas oo dhaliyay wayxeello gaartay dadka Muslimiinta ah.

Weerarka ayaa masjidka lagu qaaday xilli ay dad Muslimiin ah ku cibaadeysanayeen, waxaana fuliyay nin hubeysan oo xagjir ah, islamarkaana ay ku fogaatay neceybka Muslimiiinta.

Inta haatan la xaqiijiyay, labo qof oo waayeello ah, kana mid ahaa dadka Muslimiinta ee ku cibaadeysanayay Masjidka ayaa ku dhaawacmey, waxaana Police-ku Faransiisku sheegay iney gacanta ku dhigeen qofka fuliyay weerarka.

Wadanka Faransiiska waxaa kusii kordhaya falalka islaam naceybka ee ay ku dhaqaaqayaan dadka gaalada ah iyo dowladda Faransiiska, waxaana weerarkan uu kusoo aadayaa xilli shalay uu dalkas ka dhacay bananabax lagu taageerayay Xijaabka gabdhaha Muslimaadka.

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular