Wararka ka imaanaya wadanka Afqaanistaan ayaa ku waramaya inuu dhacay weerar culus oo ciidamo Maraykan ah lagu qaaday, kaas oo dhaliyay khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamo katirsan Dhaalibaan ayaa weerar kamiin ah u dhigay ciidamo isuga jira Maraykan iyo kuwa xukuumadda Kaabul, xilli ay marayeen meel u dhow degmada Khaan Abaad ee gobolka Qunduuz oo dhaca wuqooyiga wadanka Afqaanistaan.
Weerarka kamiinka ah oo ahaa mid culus ayaa dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamada Maraykanka iyo kuwa xukuumadda Kaabul.
Inta haatan la xaqiijiyay 4 askari Maraykan ah ayaa ku dhintay weerarka, iyo 5 askari oo katirsan ciidamada Xukuumadda Kaabul, waxaana jira dhaawacyo aan cadadooda la helin.
Marka laga soo tago khasaaraha nafeed, waxaa jira gawaari gaashaman oo ay ciidamada Dhaalibaan ku gubeen weerarka kamiinka ah ee ay u dhigeen ciidamada Maraykanka iyo kuwa Xukuumadda Kaabul.
Ciidamada Maraykanka ee Afqaanistaan ku duuley sanadkii 2001-da ayaa wajahaya weeraro culus oo abaabulan oo kaga imaanaya Dhaalibaan, waxaana khasaaraha Maraykanka uu gaarayaa kumanaan askari.