Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose waxay ka fuliyeen howlgal gaar ah oo lagu dilay askar katirsan ciidamada dowladda federaalka.
Deegaan u dhow Nambar 50, waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana lala eegtay askar katirsan kuwa dowladda federaalka.
Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada dowladda ee la qarxiyay ayaa la xaqiijiyay dhimashadooda, waxaana gebi ahaanba burburay gaari ay saarnaayeen.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda Weerarkan khasaaraha lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda federaalka, waxaana uu weerarkan ku daba feylayaa silsilado weeraro ah oo Shabeellaha hoose ku beegsanaya ciidamada dowladda iyo kuwa Shisheeyaha.