Kadib shir weyn oo bishii Ogosto ee sannadkan 2019 ka dhacay degmada Ceelcadde ee gobolka Gedo, ayaa waxay beeshu ka heshiisay gefef badan oo ka dhashay colaaddaas, kana mid yihiin riximkii ama qaraabanimadii oo la jaray iyo wax yaabo lamid ah.
Hir gelinta shirkan waxaa lahaa oo geed dheer iyo mid gaabanba u koray Maamulka Islaamiga ah ee Gedo iyo Maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo isku duuban, waxaana ay ku marti galiyeen dhammaan Salaadiinta iyo Nabadoonada Jufooyinka ee beesha iyo marti sharaf ka kooban 100 qof.
Shirka waxaa barbar socday dowraad diini ah oo ay wax garadku qaadanayeen islamarkaana ku saabsanaa arrimaha la xiriira xallinta khilaafaadyada noocan ah iyo waxa ay diinta islaamku ka qabto, taasina waxaa laga dhaxlay natiijo la mahdiyay oo miro wanaagsan dhashay.
Sabeen Xer Iyo Uur Xaar.
Falanqeyn iyo gorfeyn badan kadib waxay beesha Sade si guud u garowsatay in xaal marin la siiyo labada qabiil ee kala ah “Hawraarsame iyo Faqiyaaquub” waxaana madasha shir weynaha lagu gudoonsiiyay lacag gaareysa 250 Milyan Sh. So. oo isugu jirta Sabeen xer iyo Uur-xaar.
Salaadiinta labada jufo ayaa si niyad sami ah u gudoomay xaalka iyo xaal marinta, waana halkaas meesha uu ka dhidibbo aastay isku soo dhawaanshaha iyo heshiiska.
Goobta waxaa laga jeediyay hadallo qiiro leh oo ay ku dheehan tahay walaaltinimo, waxaana lagu ballamay sida dhaqanka Soomaalida uu ahaa in Nasab iyo Nikaax la is weydaarsado. Dadka qaar ayaa farxad la ilmeynayay markii ay fagaaraha ka hadlayeen.
Bayaanka Kasoo Baxay Beesah Sade
Shir weynaha taariikhiga ah oo uu abaabulkiisu socday muddo laba bilood oo xiriir ah ayaa waxay beesha Sade kasoo saartay Bayaan ka kooban qodob muhim ah oo ay kamid ahaayeen in beeshu garowsatay dulmigii ay ka gashay jufooyin isla beesha ah iyo in la tirtiro dhammaan dhaqamadii shareecada ka dhanka ahaa ee mudada dheer soo jiray.
Waxaa lagu xusay bayaanka, in beeshu bixisay xaal iyo xaal marin, walaalhoodna ay ka aqbaleen. Iyadoo wacad lagu maray in xilligan wixii ka dambeeya tallaabo sharci ah laga qaadi doono ciddii soo celisa xumaantii godka dheer lagu aasay.
Beesah Sade waxay bayaankeeda ku xustay mahad celin ballaaran oo ay u jeedisay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo dhigtay gogosha iyo marti sharafta isaga kala timid gobollada wadanka oo goob joog ka ahaa heshiiska taariikhiga ah.
Marka la eego muddada dheer ee ay soo jiitameysay colaaddan waxaa dalka Soomaaliya isaga daba marayay dowlado ay kamid yihiin tii Aadan Cadde, C/rashiid, Max’ed Siyaad iyo kuwa kale oo ay u dambeyso dowladda uu hogaamiyo Maxamad Cabdullaahi Farmaajo, dhammaantoodna ma jirin maamul wax ka qabtay colaada mudada qarniyada ay kasoo dhex taagnayd dadka walaalaha ah, iyadoo Al-Shabaab uu noqday maamulkii ugu horreeyay ee arrinkan ku baxay kuna guuleystay soo afjaristiisa.
Warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa heshiiskan ka diyaarisay barnaamij muuqaal ah oo ka kooban laba qeybood, kaasoo ku dhex geynaya madashii shirka islamarkaana aad ku daawan kareyso hadalladii iyo gacaltooyadii la is weydaarsaday.
Macluumaadka aan warbixintan idiinkugu soo gudbinnay waxay ku salaysan yihiin oo kaliya qeybta kowaad ee Filimka, waxaase xusid mudan inuu isna xiiso gaar ah xambaarsan yahay filimka qeybtiisa labaad oo aan soo dadajin doonno insha’allaa
https://youtu.be/SyfhMPDsgP4