Magaalada Bu’aale ee wilaayada Jubbooyinka waxaa maanta ka dhacay xukun Xaddu-riddo ah oo lagu fuliyay 6 xubnood oo Basaasiin ahaa.
Dhammaantood waxay ahaayeen shaqaale hoosaadyo ka tirsan sirdoonada shisheeyaha iyo DF kuwaasoo ay gacanta kusoo dhigeen Al-Shabaab.
Dad weyne ayaa isugu soo baxay fagaaraha waxaana ay saxafiyiintii ka qeyb galay kusoo warrameen in 6-doodaba la khaarajiyay.
Qaadiga ayaa sheegay in jawaasiistan ay u kala shaqeynayeen Mareykanka, Kenya iyo DF. Marar badan oo hore ayaa fagaarayaasha wilaayaadka islaamiga ah lagu dilay rag jawaasiis ahaa.