Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in maxkamadda islaamiga ee wilaayada Jubbooyinka ay fulisay xukun dil ah oo lagu oogay rag basaas u ahaa sirdoonnada Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.
Ragga basaaska u ahaa Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada ee Jamaame lagu toogtay ayaa waxay tiradoodu gaareysa lix ruux, waxaana fagaaraha isugu yimid dadweyne aad u farabadan oo ku faraxsanaa xukunka.
Qaadiga ayaa faahfaahin ka bixiyay shaqooyinkii ay hayeen 6-dan xubnood ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in xukunkoodu uu yahay “Xaddu-riddah”
Magacyada Basasiinta iyo Sirdoonnada ay u shaqeynayeen ayaa ah sidatan:
Maxamada Iidow Aadan oo loo yaqaano Tareeso, wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka Dolwadda federaalka.
Aadan Cabdullaahi Xaaji Aadan Boorow, wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Dowladda federaalka.
Cusmaan Cabdulle Afrax oo u shaqeynayay Sirdoonka Dowladda federaalka.
Xassan Hafow Saney wuxuu u shaqeynayay sirdoonka maamulka Jubbaland.
Maxamada Cali Madkeerow (Qoryooley) wuxuu u shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur galbeed.
Hilowle Bashiir Aadan oo u shaqeynayay Sirdoonka maamulka Koonfur Galbeed.