Sidaba uu sheegay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, waa musiibo ku dhacday Maraykanka, kadib markii uu Corona si adag oo dhaqsi leh ugu faafay wadanka, waxaana xaalad deg deg ah la geliyay 50 gobol oo katirsan Maraykanka, taas oo ah markii ugu horeysay ee Taariikhda, waxaana muuqaneysa in dhamaan qorshayaashii Trump ay wada gubteen, hortiisana aaney oolin hal qorshe mooye, si uu dalkiisa kaga badbaadiyo musiibada ku dhacday, qorshahaas oo ah dagaal uu ku qaado Shiinaha.
majaalaadka kala duwan ee nolosha dalka Maraykanka dhamaantooda way burbureen, haddi ay ahaan lahayd caafimaadka, Dhaqaalaha iyo xitaa Siyaasadda iyo arimaha bulshada.
Muwaadiniinta Maraykanka waxay aad ula yaabanyihiin waxa ku dhacay dalkooda, oo malain maalmaha kamid ah lagu tirin jiray inuu kamid yahay wadamada ugu awooda badan caalamka, waana kan Maraykanka oo maanta wajahaya virus yar oo aanu isaga dhicin karin awooda uu heysto, wuxuuna ku guul dareystay Maraykanka in xitaa xasilooni uu dareensiiyo shacabkiisa.
Inkastoo Maraykanka Trump hogaamiyo uu caalamka awood ugu faaney, hadana wuxuu si cad uga taag dareeyay inuu wajaho Corona, arinkuna wuxuu sii xumaaday markii uu Trumo kor u luley halkudhiga mudnaanta koowaad waa Maraykanka, markaas oo uu ku xadgudbay xuquuqda banii Aadamka ku nool caalamka, Filastiin, Suuriya, bariga dhexe, Maxico, Venezuella, Afqaanistaan iyo Kuuriyada wuqooyi.
Wuxuu Trump aaminsanaa in awooda maadi iyo mida caskari ay uga filantahay inuu u libaaxeeyo Caalamka,sidoo kalena ay deeqdo guulaha uu sheegtay inuu gaaray afartii sano ee lasoo dhaafay,laakiin ilbiriqsi kamid ah waqtiga ayay awoodaas gebi ahaanteedaba meesha ka baxday, waxaana ay u dhalaashey sida sokortu ay biyaha ugu dhalaasho, waxaadba moodaa inaanu horay waxba u sameynin, waxaadba moodaa inaaney jirin tallaabo uu horey u qaaday Trump, Corona ayaa si lama filaan ah ku yimid, markaas ayuu cagta mariyay riyooyinkii waaweynaa ee uu ku taamayay Trump, wuxuuna bedeley wejiga Maraykanka si aan kasoo noqosho lahayn, dhabtii ma Corona ayaa soo afjari doona Maraykanka? ama waa daruur yar oo kala yaaci doonta?
Alle wuu ka run sheegay hadalka uu si guud kaga yiri Maraykanka ku faanay awoodiisa maaddiga ah, iskuna maleeyay in wax weliba ay sameyn karaan, islamarkaana is ilowsiiyay, indhahana ka laabtay awoodda Allaah Cazza wajalla ee awooda wax weliba.
Allaah wuxuu inooga digay inaan dhex tiimbano fasahaadka, kuna faanno awoodda iyo Alle caasinta iyo inaan inkirno nimcooyinkiisa, laakiin Ameerikada Trump waxaa muuqata inaaney u aaba yeeleynin waxay ku sameyneyso banii Aadamka ku nool caalamka.
Waxay ciriiri gelisay Filistiin, iyadoo ihaaneysatay Carabta iyo Muslimiinta, kala fogeyneysana xiriirkii ka dhexeeyay dadkii walaalaha ahaa, wayna kusii madax adeegtay inkiraada awooda rabiga caalamiinta, markaas bay abaalmarinteeda noqotay abaalmarintii la siiyay Namruudkii bilaadu Raafideyn joogay oo kale.
Tani waa dhamaadka foosha xun ee Ameerikada imbiriyaaliida isticmaarka hogaaminaysa, taasi oo ku faaneysa guulaha cadowtooyo ee ay gaartay, Allaahna wuxuu awoodeeda ku jebiyay makhluuq taag daran, kaas oo ku faafay Ajsaada Maraykanka, markaas kadibna ka dhigay sida bal la shafay oo kale, wuxuu dilay makhluuqaas taagta daran kumanaan ruux, halka uu soo ritay boqollaal kun oo kale, welina wuxuu si firfircoon kaga howlgalayaa gudaha Maraykanka, heer uu Maraykanka noqoday wadanka saameynta ugu badan ku yeeshey Viruska, tirada dhiamshadoodana waxay kor u dhaaftay 23 kun oo ruux, halka dadka uu soo riteyna ay ka badanyihiin Nus milyan, welina Viruska wuxuu si firfircoon oo dhaqsi leh ugu faafayaa wadanka, iyadoo tirada dhimashada maalinla ah ay kor u dhaafeyso labo kun oo ruux.
Aayadda aan horey usoo sheegnay, waa qowlka Allaah ee suuratul Ancaam ku yiri…
وَلَقَدْ أَرْسَلْنَا إِلَى أُمَمٍ مِّن قَبْلِكَ فَأَخَذْنَاهُمْ بِالْبَأْسَاء وَالضَّرَّاء لَعَلَّهُمْ يَتَضَرَّعُونَ، فَلَوْلا إِذْ جَاءَهُمْ بَأْسُنَا تَضَرَّعُواْ وَلَكِن قَسَتْ قُلُوبُهُمْ وَزَيَّنَ لَهُمُ الشَّيْطَانُ مَا كَانُواْ يَعْمَلُونَ، فَلَمَّا نَسُواْ مَا ذُكِّرُواْ بِهِ فَتَحْنَا عَلَيْهِمْ أَبْوَابَ كُلِّ شَيْءٍ حَتَّى إِذَا فَرِحُواْ بِمَا أُوتُواْ أَخَذْنَاهُم بَغْتَةً فَإِذَا هُم مُّبْلِسُونَ، فَقُطِعَ دَابِرُ الْقَوْمِ الَّذِينَ ظَلَمُواْ وَالْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ”
Wuxuu Trump ku farxay guulihii ugu dambeeyay ee uu gaaray, isagoona aad ugu faaney waxa uu soo hooyay ee uu kusoo dhacsaday ooyinta kuwa taagta daran, masaakiinta iyo kuwa baahan ee ku nool caalamka, dulmi adag ayuuna ku geystay awoodiisa iyo qab weynidiisa, isagoona u maleeyey in dhamaan Albaabada ay u furanyihiin.
Isagoo ku jira farxadaas ku milan sarqaanka, kuna madax taagaya bad quraaracado ah, ayaa si kedis ah waxaa ugu jabay dhalooyinkaas, biyihii uu maleynayay iney ka badbaadin doonaan khasaarahana way dhamaadeen, virus-kii ayaa yimid, markaas buu ka takhalusay dhamaan rajooyinkiisa, si lama filaan ah ayuu ku yimid virus-kan, ugu horeyntiina Trump wuu ku jees jeesay, ugu dambeyntiina wuxuu virusku Trump tusay awoodiisa halka ay la egtahay, waxaana dhici karta in viruskun uu meesha ka saaro rajada iyo hiigsiga Trump ee ah inuu ku guuleysto markale xilka madaxtnimada.
Trump, wuxuu maanta ku jiraa xaalad adag, Jihooyinka oo idil ayaana laga hareerayay, mana u harin hal albaab mooye, kaas oo aan ogeyn inuu isku biimeyn doono iyo inkale, waana albaab adag oo culeeskiisa leh, oo ay dhici karto inuu ku jabo jab aan kasoo waaqsi lahayn, albaabkaas waa in fashilkiisa uu Trump usoo dhoofiyo caalamka, waxaana maalmihii dambe aad u badnaa eedeymaha uu usoo jeedinayo Shiinaha isagoo ku tilmaamaya iney tahay dowlad cadow ku ah Maraykanka, tartanna kula jirta, wuxuuba Shiinaha ku tilmaamaa iney tahay halka uu kasoo dhashey viruska, heer uu ku magacaabay viruskii shiinaha, wasiirkiisa arimaha dibadda ee Mike Pompeo-na wuxuu ku tilmaamay viruskuu Wuuhaan, waxayna labadan nin aaminsanyihiin in viruskan ay Shiinuhu ugu talagashey iney ku burburiso Maraykanka, ugu dambeyntiina ay iyadu qaadaneysa masuuliyadda waxa ka dhacaya Maraykanka.
Waxaa marka dhici karta in Trump uu xanaaqo, dagaal weynna uu ku qaado Shiinaha, marka ay dhamaato musiibadda Coronavirus, si uu daboolo fashilka kasoo gaaray la tacaamulka dhibaatada ka dhacday dalkiisa, inkastoo ay jiraan dad ka tirsan maamulka Trump oo ku baaqaya in caqligu shaqeeyo oo aan qarka iska xoornimo lagu dhaqaaqin, lana raadiyo wasiilooyin kale oo aan ahayn in dagaal toos ah lala galo Shiinaha, sida in la raadiyo qaabab lagu kashan karo Shiinaha, wuxuuna Shiinaha ku guuleystay inuu kasbado balaayiin doollar, markii uu kasoo gudbay cudurka, halka Maraykanka maalin kasta khasaaro Trillions doodllar, iyagoo raadinaya wado ay uga bixi karaan dhibaatadan harqisay suuqyadii Maraykanka, iyadoo dhanka kale ay burbureen suuqyadii Shidaalka, taas oo uu Trump ku eedayay Sucuudiga iyo Ruushka.
W/Q: Qoraa Carbeed oo lagu magacaabo Fowzi Xadiid.