HomeAll newsKhilaafka salka ku haya Biya xireenka An-Nahda oo weli taagan.

Khilaafka salka ku haya Biya xireenka An-Nahda oo weli taagan.

Sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah oo warbaahinta la hadlay, waxaa fashilmey shir saddex geesood ah oo la filayay inuu dhexmaro dowladaha Itoobiya, Masar iyo Suudaan, loogana arinsanayo khilaafka biya xireenka An-Nahda.

Shirka oo la filyay in lagu qabto Aaladda Internetka ayaa fashilkiisa wuxuu yimid, ka gadaal markii dhinacyada is haya isku fahmi waayeen ajandaha wadahadalka, waxaana dowladda Itoobiya ay jeedisay hadal kulul.

Wasiirka waraabka ee dowladda Itoobiya ayaa sheegay iney sii wadi doonaan dhismaha biya xireenka An-Nahda, islmarkaana jirin cid ay uga heebeysanayaan, wuxuuna dhanka kale ku eedayay dowladda Masar iney carqaladeyneyso horumarka Itoobiya.

Hadalkiisa wuxuu yimid, ka gadaal markii wasiirka arimaha dibadda Masar Saamix Shukri uu rajo xumo ka muujiyay shirka saddex geesoodka ah, wuxuuna sheegay iney golaha Amaanka kala hadli doonaan sidii Itoobiya loogu cadaadin lahaa ineysan qaadin tallaabo aan lala ogeyn.

Illaa iyo hadda ma muuqato ifafaalo muujinaya in heshiis laga gaaro biya xireeenka An-nahda oo ay Xabashidu u muuqdaan kuwa ku indha adag, doonayana iney ka dhaliyaan koronto ballaaran, xitaa haddii ay taasi keeneyso in Masar iyo Suudaan ay heli waayaan biya ku filan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular