Wasaaradda Gaashandhiga Turkiga ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in howlgal milliteri oo cusub ay kaga dhawaaqday gudaha dalka Ciraaq, kaas oo beegsanaya malleeshiyaadka Kurdiyiinta oo dagaal kula jira dowladda Turkiga.
Howlgalka waxaa loogu magacdaray ” Makhlabu Nasri” ayaa waxaa lagu daah furay duqeymo xoogan oo ay fuliyeen diyaaradaha dowladda Turkiga, kuwaas oo sida ay iyagu sheegayaan beegsaday saldhigyo milliteri oo ay ku sugnaayeen malleeshiyaadka Kurdiyiinta Ciraaq.
Wasiirka Difaaca ee Turkiga ayaa war uu soo saray wuxuu ku sheegay in dhamaan bartilmaameedyadii la beegsaday ay si toos ah ugu dhacday duqeynta, isagoona sheegay in Turkiga ay xaq u leedahay iney iska difaacdo wuxuu ku tilmaamay Argagaxisada.
Duqeymaha kadib, guutooyin katirsan ciidamada gaarka ah ee dowladda Turkiga ayaa gudaha u galay dalka Ciraaq, kuwaas oo sheegaya iney beegsanayaan malleeshiyaadka Kurdiyiinta, waxaana masaaxada ay gudaha u galeen Ciraaq lagu tilmaamay iney la egtahay 15km.
Turkiga wuxuu dagaal kula jiraa malleeshiyaadka Kurdiyiinta, kuwaas oo doonaya waxay ku tilmaameem dowlad madax banaan oo ay yeelato qowmiyadda Kurdiyiinta. Kurdidu waa bulsha muslim ah islamarkaana degta wadamada Suuriya, Turkiga, Ciraaq iyo Iiraan.