HomeAll newsQabaa'ilka Yemen iyo Xuuthiyiinta Oo ku dagaallamaya bartamaha wadankaas.

Qabaa’ilka Yemen iyo Xuuthiyiinta Oo ku dagaallamaya bartamaha wadankaas.


Wararka ka imaanaya wadanka Yemen waxay ku waramayaan iney socdaan dagaallo xoogan oo dhexmaraya malleeshiyaadka Xuuthiyiinta iyo qaar kamid ah qabaa’ilka Muslimiinta ee dega wadankaas.

Dagaallada waxay xoogooda ka socdaan qeybo kamid ah gobolka Al-Beydaa oo dhaca bartamaha dalka Yemen, waxaana dhinacyada dagaallamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Qabiilka sida ba’an hadda dagaalka ugula jira Xuuthiyiinta waxaa lagu magacaabaa Aala-Cawaad, waxaana ugaaskooda guud uu ku amray tolkiisa iney fadhiga ka kacaan, islamarkaana iska caaabiyaan duulaanka ay Xuuthiyiintu ku yihiin dhulka uu dego qabiilkaas.

Dagaallada waxay xoogooda yimaaadeen kadib markii malleeshiyaad katirsan Xuuthiyiinta ay inta gurigeeda ugu galeen ku dileen haweeney ka dhalatay qabiilka Aala-Cawaad, waxaana fashilmey isku dayo uu sameeyay qabiilka oo lagu doonayay in lagu soo qabto ragga dilkaas geystay, taasina waxay markii dambe keentay dagaal toos ah.

Dhalinyaro katirsan qabiilkan wajahaya Xuuthiyiinta ayaa baraha Twitterka waxay ku daabaceen in dagaalyahannadooda ay ku guuleysteen iney dhulka dhigaan labo diyaaradood oo nooca Drone-ta yar yar ah, kuwaas oo ay Xuuthiyiintu u adeegsanayeen duqeymo ay ku beegsanayaan deegaannada Aala-Cawaad.

Waxaa jira taageero ballaaran oo ay qabaa’ilka kale ee Muslimiinta ah siiyeen qabiilka Aala-Cawaad ee dagaalka kula jira Xuuthiyiinta, deegaanno dhowr ah oo markii hore lagu dagaallamayayna waxaa si buuxda looga eryay Xuuthiyiinta.

Yemen, waxaa qeybo badan oo kamid ah la wareegay malleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo taageero ka helaya dowladda Iiraan, waxaana qabaa’ilka dega Yemen lagu amaanaa iney is difaacaan, dagaallo ka dhan ah Xuuthiyiintana ka hurinayaan dhulka xooga looga qaatay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular