HomeAll newsShisheeyaha iyo Askarta Dowladda Federaalka Oo lagu weeraray Jannaale.

Shisheeyaha iyo Askarta Dowladda Federaalka Oo lagu weeraray Jannaale.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaaday askarta Shisheeyaha iyo kuwa dowladda federaalka ee ku sugan magaalada Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerar duqeymo ah oo loo adeegsaday hoobiyaal ayaa lagu garaacay saldhiga ciidamada Shisheeyaha ee Jannaale, waxaana duqeyntu ahayd mid in muda ah socotay.

Waxaa isla xilligaas, ciidamada Mujaahidiinta ay weerar ku ekeeyeen labo saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada Dowladda federaalka ee Shisheeyaha ku wehlinaya duulaankooda.

Ilo xog ogaal ah waxay sheegayaan in weeraradan ay dhaliyeen khasaare gaaray Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka, inkastoo aan tiro rasmi ah la sheegin.

Jannaale tan iyo markii ay soo galeen ciidamada Shisheeyaha iyo kuwa Dowladda federaalka waxay si joogta ah u martigelineysaa weeraro culus oo ay ku qaadanayaan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular