HomeAll newsYaa Hurinaya Dagaalka Feerfeer? (Dhageyso)

Yaa Hurinaya Dagaalka Feerfeer? (Dhageyso)

Degmada Feerfeer kala barta xad beenaadka Hiiraan uu la wadaago dhulka Soomaaliyeed ee ay Xabashidu heysato waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay dagaallo sokeeye oo u dhaxeeya laba beelood oo walaalo ah.

Ku dhawaad 10 qof oo labada dhinac ah ayuu dagaalku ku dhex maray degmada iyo qaar kamid ah tuulooyinka hoos taga.

Inkastoo la isku dayay waanwaan, haddana ma suura galin in si caafimaad qab ah loo soo afjaro colaadda, waxaana odayaasha dhaqanku eeda dusha ka saarayaan Xabashida, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada iyo arrimo kale oo la xariira waxaan ka wareysanay nabadoon Cali Maxamad Cusmaan (Cali Saabuun) oo ah Afhayeenka Golaha ku dhaqanka Shareecada Islaamka ee Gobolka Hiiraan.

Halkan Ka Degso Wareysiga Nabadoon Cali Maxamad Cusmaan (Cali Saabuun)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular