HomeAll newsAskari Kasoo Goostay Maamulka Jubbaland Oo Jilib Lagu soo Bandhigay.

Askari Kasoo Goostay Maamulka Jubbaland Oo Jilib Lagu soo Bandhigay.

Waa askari hore uga soo goostay Dowladda federaalka

Cabdi Kariim Siraad Axmed, waa askari kasoo goostay maamulka Jubbaland, iskuna soo dhiibay wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka.

Askarigan ayaa shaaca ka qaaday in dhaqano xumo iyo dhibaato joogto ah ay ka jirto halkii uu kasoo tagay, isagoona shaaca ka qaaday inuu isaga towbad keeney howshii uu ku jiray ee la shaqeynta ciidamada Shisheeyaha.

Waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka, isagoona Saxaafadda kula hadlay magaalada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka.

Askarta isaga soo goosaneysa Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa si dardar leh waxay u gaarayaan wilaayaadka islaamiga ee ay gacanta ku heyso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, laguna maamulo Shareecada Islaamka.

Halkan ka dhagayso Askari kasoo goostay maamulka Jubbaland

 

(chilltherapytampa.com)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular