Madaxweynaha wadanka Faransiiska Emmanual Macron ayaa si cad wuxuu dharka ugu soo dhigtay dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta.
Hadalladii ugu dambeeyay ee uu jeediyay Macron ayaa waxaa ka marnaa diblumaasiyadii ay ku gamban jireen madaxda reer galbeedka, wuxuuna si toos ah u sheegay iney sii wadi dooonaan sawirrada ay ku aflgaadeynayaan Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.
Macron wuxuu dhinac kale sheegay inuu dalkiisa ka eryi doono dad badan oo Muslimiin ah, albaabadana isugu dhufan doono jamciyaad islaami ah oo diinta Islaamka ku faafiya gudaha Faransiiska.
Wuxuu hadlayay xilli uu ka qeybgalayay kulan loogu baroor diiqayay macallinkii dhawaan lagu gowracay nawaaxiga magaalada Paris, kaas oo aflagaadeyay Rasuulkeena aan jecelnahay, waxaana tallaabadaas qaaday wiil muslim ah oo u dhashey Shiishaan.
Halkan ka dhagayso Warbixin dagaalka Faransiiska ee ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta