Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weeraro ballaaran ku qaadeen difaacyada ciidamada Shisheeyaha iyo askarta Dowladda federaalka ay ku leeyihiin qeybo kamid ah gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.
Meelaha sida adag loogu weeraray Shisheeyaha waxaa kamid ah Jannaale, Calamada iyo deegaanka Arbacow ee Ceelasha biyaha, halkaas oo ay difaacyo ku leeyihiin ciidamada Shisheeyaha.
Weerarada ayaa ah kuwa culus oo jugta hubka la isku adeegsanayay laga maqlayay meelo ka baxsan halka lagu dagaallamay.
Meelaha qaar waxaa si wadajir ah loogu weeraray ciidamada Dowladda federaalka iyo Shisheeyaha is wehlinaya, waxaana la rumeysanyahay inuu jiro waxyeello kala duwan oo ka dhalatay weeraradaas.
Sidoo kale, ciidamada maamulka Jubbaland ayaa lagu weeraray saldhig ay ku leeyihiin degmada Afmadow ee Jubbada Hoose, mana helin faafaahin ku aadan khasaaraha gaaray.
Halkan ka dhagayso Weeraro ka dhacay Afmadow iyo qeybo kamid ah Shabeellaha Hoose