HomeAll newsGudoomiyaha Howlwadaag Oo Weeraray Iskuul ku yaala Degmadaas.

Gudoomiyaha Howlwadaag Oo Weeraray Iskuul ku yaala Degmadaas.

Maalintii shalay ciidamo uu hogaaminayo gudoomiyaha degmda Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ugu magacaaban Dowladda federaalka ayaa weerar ku qaaday mid kamid ah iskuullada waxbarasho ee ku yaala degmadaas.

Ciidamada ayaa weerar ku qaaday iskuulka oo ay xilligaas joogeen macallimiinta iyo ardeyda, waxaana gudoomiyaha uu doonayay inuu biya wasakh ah kusoo furo iskuulka, taasi oo ay ka biya diideen macallimiinta iyo Ardeyda.

Ciidamada la socday gudoomiyaha ayaa awood u adeegsaday dadka shacabka ah, waxayna gacan ka hadal ay kula kaceen dadka shacabka ah ka dhashey iney dhaawacmaan tiro dad shacab ah.

Iskuulka uu weeraray gudoomiyaha waxaa lagu magacaabaa Hayyaan, waxaana uu ku yaala degmada Howlawadaag ee magaalada Muqdisho.

Macallimiinta iyo Waalidiinta ayaa la hadlay warbaahinta, waxayna ka hadleen tacaddiga loo geystay iyo waxa lagu heysto.

Halkan ka dhagayso Gudoomiyah Howlwadaag Oo Weeraray Iskuul ku yaala degmada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular