Qeybo kamid ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay reer Muqdisho uga soo horjeedaan caaydii ay dhawaan dowladda Faransiiska u geystay Islaamka iyo Muslimiinta.
Dadweyne aad u badan oo wejiyadooda laga dareemi karo caro xoogan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Muqdisho, waxayna sheegeen iney kasoo horjeedaan aflgaadada uu Macron u geystay Diinta Islaamka iyo Nabi Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam.
Dadka ayaa Allaah uga baryay Faransiiska iyo madaxweynahooda inuu Allah halaago, kuna sallado cadaab daran.
Qaarkood waxay sheegayaan dadku iney diyaar u yihiin iney fuliyaan howlgallo lagu beegsanayo danaha Dowladda Faransiiska, waxayna dibad baxyaashu gubeen calanka Faransiiska iyo Macron.
Marka laga soo tago Muqdisho, waxaa jira magaalooyin kamid ah koonfurta, bartamaha iyo wuqooyiga Soomaaliya oo ay ka dheceen dibadbaxyo waaweyn oo lagu difaacayo Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.