Xiisad kacsanaan ah ayaa ka taagan dalka Ukraine oo deris la ah dalka Ruushka, waxaana xaaladan cabsida ah ay timid kadib markii dowladda Ruushka ciidamo soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto Ukraine.
Ciidamada Ruushka ee lasoo dhoobay xuduuda Ukraine ayaa la sheegay iney yihiin kuwa aad u badan, islamrkaana ku hubeysan hubka casriga ah, waxaana tallaabadaas walaac adag ka muujiyay dowladaha ku mideysan Nato iyo dalka Ukraine.
Nato ayaa sheegaya in Ruushku isku diyaarinayo duulaan milliteri oo uu kusoo qaado dalka Ukraine ee ay deriska yihiin, balse ku jira safka reer galbeedka, waxaana lagu wadaa iney dhacaan kulamo ay isugu imaanayaan dowladaha xubnaha ka ah Nato, kaasoo looga tashanayo tallaabada ugu haboon ee looga hortagi karo halista ka imaaneysa dhinaca Ruushka.
Dowladda Ruushka waxay dhankeeda iska beenisay iney jirto rabitaan ah iney weerar ku qaado dalka Ukraine, waxaana hadallada kasoo yeeray madaxda reer galbeedka iyo kuwa Ukraine ay ku tilmaamtay waxba kama jiraan lagu doonayo in xiisad lagu abuuro.