HomeAll newsDuqeyn Lagu Garaacay Madaxtooyada Baydhabo iyo Garoonka Diyaaradaha.

Duqeyn Lagu Garaacay Madaxtooyada Baydhabo iyo Garoonka Diyaaradaha.

 

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ku dagaallama madaafiicda ayaa duqeyn xoogan waxay ku garaaceen xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed ee magaalada Baydhabo iyo garoonka diyaaradaha ee magaaladaas.

Duqeynta oo ahayd mid xoogan waxay kusoo aaday xilli aad loo buuxay xarunta madaxtooyada, halkaas oo ay ka socotay doorashada xillibaannada cusub ee baarlamaanka Dowladda federaalka kuwooda laga soo doorto gobollada uu ku magacaabanyahay maamulka Koonfur Galbeed.

Dadkii halkaas ku sugnaa ayaa mar qura ku kala caray goobta, waxayna duqeynta dhalisay in gebi ahaanba ay joogstay howshii codeynta.

Waxyeello burbur u badan ayaa ka dhashey duqeynta lagu garaacay xarunta madaxtooyada maamulka Hir Shabeelle ee magaalada Baydhabo iyo garoonka diyaaradaha magaaladaas.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular