HomeAll newsCiidamo Itoobiya Oo Guulo ka sheegtay Dagaalladii Ugu dambeeyay.

Ciidamo Itoobiya Oo Guulo ka sheegtay Dagaalladii Ugu dambeeyay.

 

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dalka Itoobiya qeybo kamid ah ka soconayay dagaallo xoogan oo u dhexeeya ciidamada Xabashida Itoobiya ee federaalka ah iyo kuwa maamulka Tigreega oo taageero ka helaya jabhado kale.

Meelaha ugu badan ee ay dagaallada ka socdaan waa wuqooyi bari ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay dhacaan gobollo uu kamid yahay gobolka ay Canfartu degaan.

War kasoo baxay ciidamada Itoobiya waxaa lagu sheegay iney u suuragashey in guud ahaan ay la wareegaan gobolka Canfarta, halkaas oo ay dib uga riixeen ciidamada TPLF-ta ee dhawaan soo galay.

Ciidamada Itoobiya waxay sheegeen in hadda ay billaabeen howlgallo ballaaran oo dib loogu qabsanayo deegaannada ay soo galeen ciidamada Jabhadda Tigreega, hadana ay u jiheysteen magaalooyinka Baati iyo Wukumbulusha oo katirsan gobolka Amxaarada.

Wariye soo tabinaya dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ciidamada Itoobiya ay si buuxda ula wareegeen wadada istiraatiijiga ah ee isku xirta Adis Ababa iyo dekadda Jabuuti, halkaas lasoo marsiiyo inta badan badeecadaha quutul daruuriga u badan ee laga isticmaalo dalka Itoobiya.

Magaalada Milli ee istiraatiijiga ah, uuna maro laamiga weyn ee isku xira Itoobiya iyo Jabuuti ayaa hadda waxaa si buuxda u maamulaya ciidamada ka amar qaata Abey Axmed.

Maalintii labaad waxaa furimaha dagaalka ku sugan ra’iisul wasaaraha dalkaas Abey Axmed, kaasoo sheegay in ciidankiisu ay awood u leeyihiin iska caabinta kooxda TPLF, isagoona muujiyay inuu sii wadi doono dagaalka inta uu guul ka xaqiijinayo.

Marka la qiimeeyo qaabka uu hadda dagaalka uga socdo Itoobiya, waxaa horumaro soo hoynaya ciidamada Federaalka, halka kooxda TPLF iyo malleeshiyaadka la safan ay waayeen magaalooyin ay horey ula wareegeen.

Hase yeeshee kooxda TPLF waxaa ka go’an iney sii wado dagaalka inta ay talada ka tuureyso Abey Axmed, oo ay kala wareegeyso magaalada caasimadda ah ee Adis Ababa.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular