Waxaa goordhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu dilay sarkaal sare oo katirsan ciidamada milliteriga Dowladda federaalka
Sarkaalkan oo saddex xidigle ah waxaa lagu magacaabaa Cali Ok, waxaana dilka geystay rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Waxaa uu imaanyaa dilka sarkaalkan iyadoo habeenkii xalay qarax ka dhacay degmada Afgooye lagu dilay askari dharcad ah oo lagu magacaabo Muxamad Buube, kaasoo katirsanaa Sirdoonka Dowladda federaalka.