Si guud wadamada Reer galbeedka waxaa kusoo badanaya colaadda ka dhanka ah Muslimiinta ku nool dalalkaas, inkastoo horey colaadaas ay u muujisan jireen dadka shacabka ah, siyaasiyiintoodana ay qarsan jireen, balse hadda waxaa soo kordhay in xitaa Siyaasiyiinta iyo Axsaabta siyaasadeed ee dalalkaas ay si toos ah u muujistaan nacaybka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta.
Dalka Ingiriiska waxa uu kamid yahay wadamada reer galbeedka, kaalin muuqatana kaga jira la dagaalanka islaamka iyo muslimiinta, wuxuu dalkaas leeyahay sooyaal taariikheed oo dheer, oo ka tarjumaya gumeysiga iyo xitaa burburinta khilaafadii Islaamiga ee Cuthmaaniyiinta.
Warbixinno cusub oo soo baxaya ayaa muujinaya sida axsaabta siyaasadeed ee dalka Ingiriiska, si gaar ah xisbiga muxaafidka ee hadda talada dalka gacanta ku haya uu u muujisanayo neceybka iyo colaada ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta, iyagoo weliba rajo ka qaba iney helaan codadka inbadan oo kamid ah muslimiinta dalka Ingiriiska.
Xoghaya guud ee golaha Islaamiga ee dalka Ingiriiska ninka lagu magacaabo Zaara Muxamad ayaa weerar afka ah ku qaaday ra’iisul wasaarihii xilka isaga degay ee Ingiriiska Boris Johnson, isagoo ku eedayay inuu horey u jeediyay hadallo ka dhan ah muslimiinta dalka, iyadoo xitaa aanu wax raalli gelin ah ka bixin markii uu jeedinayay khidhaabka is casilaada.
Zaara ayaa sheegay in sanadkii 2019-ka ay diiwaan geliyeen ugu yaraan 300 oo xaaladood oo neceyb ka dhan ah muslimiinta, kuwaasoo laga diiwan geliyay xubno sar sare oo katirsan xisbiga muxaafidka ee talada dalka Ingiriiska gacanta ku haya.
Horey, waxaa hadal midkan lamid ah u jeediyay xubin katirsna baarlamaanka dalka Ingiriiska oo metala xisbiga Muxaafidka, taasoo lagu magacaabo Nasrat Ghani, horeyna usoo noqoatay wasiirka arimaha gaadiidka.
Haweeneydan ayaa markii xilkeeda laga casiley, waxay tilmaamtay in xisbiga muxaafidka ee talada haya uu yahay xisbi dagaal kula jira Muslimiinta, colaadna qalbiga ugu haya, iyadoona sheegtay in mu’assasaatka kala duwan ee xisbiga ay ku dhisanyihiin qaab ka tarjumaya neceybka Muslimiinta ama waxa loogu yeero Islam Phobia.
Qoraaga lagu mgacaabo Beter, kana soo jeeda dalka Ingiriiska ayaa isagana wuxuu maqaal uu qorey ku sheegay in xisbiga muxaafidka uu yahay xisbi u dhisan neceybka muslimiinta, wuxuuna yiri “ waxaan inbadan wax ka qorey sida uu xisbiga muxaafidka ah u necebyahay Islaamka iyo Muslimiinta, waxaan ka shakisanahay in Boris Johnson uu kaalinta hore kaga jiro arinkaas, wuxuuna horey ugu eedeysanaa jeedinta hadallo badan oo ka dhan ah Muslimiinta” ayuu yiri qoraagan.
Wuxuu intaa ku daray “ Aragtida la xiriira neceybka muslimiinta ee ay qabaan xubnaha xisbiga ee ay kamid yihiin xillibaannada waa arin iska cad, waxayna aaminsayihiin aragti ka tarjumeysa in muslimiintu yihiin dad shirqool la maagan reer galbeedka, waana arin lala yaabo in mujtamaca reer galbeedka ay ku dhex baahdo aragti noocaas ah, xilli uu sheeganayo inuu yahay mujtamaca tasaamuxa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qoraaga Beter ee warbixin ka qorey islaam naceybka xisbiga muxaafidka.
Xarunta Fikirka ee Ingiriiska ayaa masuul ka ah udub dhigida qodobada la xiriirta neceybka musliminta, waxaana warbixinno joogto ah oo uu baahiyay markazkaas gundhig looga dhigay in Muslimiintu yihiin halis jirta, ayna adagtahay iney ku dhex milmaan reer galbeedka iyo bulshooyinkooda.
Warbaahinta, siyaasadda iyo xitaa maraakizta diraasaatka ee fakarka ayaa masuul ka ah meel marinta iyo suuq geynta aragtiyada ka dhanka ah muslimiinta dalka Ingiriiska, sida ay tibaaxeyso warbixintan.
Xilliyada ay jiraan doorashooyinka ayuu xisbiga Muxaafidka wuxuu jeediyaa hadalo maldahan oo aan ka tarjumeynin ixitraamida muslimiinta, arinta laga leeyahay siyaasadaas ayaana ah sidii uu xisbigu ku kasban lahaa doorashooyinka, sida uu aaminsanyahay xoghaya majliska islaamiga ee dalka Ingiriiska.
Marar badan, waxaa sanadihii lasoo dhaafay dadka ku nool Ingiriiska qaarkood ay soo jeediyeen in baaritaanno lagu sameeyey Islaam neceybka xisbiga Muxaafidka, dadyowga arinkaas soo jeediyayna waxaa kamid ah Muntado sheegto inuu u doodo muslimiinta oo taabacsan xisbiga Muxaafidka.
Dowladda Ingiriiska inkastoo ay ku cadahay arinta la xiriirta neceybka muslmiinta, hadana waxay isku dayayaan iney iska anfiyaan arinkaas. Afhayeen u hadlay xukuumadda Ingiriiska oo lagu magacaabo Qaari Caasim ayaa sheegay in xukuumadda ay sinnaba u ogolaan doonin in dad gaar ah laga soo horjeesto, iyadoo diinkooda lagu colaadinayo, sida uu hadalka u dhigay.
Ninkaan waxaa sanadkii 2019-ka ay dowladda Ingiriiska u magacowday inuu masuul ka noqdo xafiis qaabilsan la tacaamulka islaam neceybka, markii dambena xilkaasi waa laga casiley, mar uu hadalayayna wuxuu tilmaamay inuusan garan Karin sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday.
Culimada Muslimiinta, Aqoonyahanka iyo xita waxgaradka ayaa marar badan waxay soo jeediyeen in muslimiinta ay la gudboontahay inaaney u tahriibin dalalka reer galbeedka, halka muslimiinta kunoolna ay la gudboontahay iney kasoo hijroodaan.
Si guud Quraanka kariimka wuxuu ka marqaati kacay cadaawada ay gaaladu u hayaan muslimiinta, si kastoo siyaasiyiintooda ay isugu qariyaan xeyndaabka diblumaasiyadda, hadana waxaay xaqiiqadu tahay in dhamaantooda ay cadow ku yihiin Islaamka iyo Muslimiinta, sidaba uu Allaah tilmaamay, waxa carabkooda kasoo baxsanay ayaana daliil inoog filan, wixii ay uurka ku qarsadeen ayaaana aad ugu sii weyn inta kasoo daahirtey.
Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Dowladda Ingiriiska Oo Muujisaneysa Neceybka Islaamka Iyo Muslimiinta.