HomeAll newsFalanqeeye: "Mareykanka Wuu Ku Fashilmay Istaraatiijiyaddii Dagaal Ee Soomaaliya".

Falanqeeye: “Mareykanka Wuu Ku Fashilmay Istaraatiijiyaddii Dagaal Ee Soomaaliya”.

Zuuri Lineski oo ah falanqeeye katirsan mac-hadka Yuuro-Eeshiya ee ka faalooda arimaha siyaasadda ayaa sheegay in Mareykanka uu muddo 30 sano ah haleeli la’yahay istaraatiijiyad isku dubaridan oo uu ku wajaho Soomaaliya, kuna fashilmay dhamaan xeeladihii uu tijaabiyey ee isugu jiray faragelintii tooska ahayd iyo kuwii dadbanaa ee uu u adeegsaday xulifadiisa gobolka si looga guuleysto Mujaahidiinta bariga Africa.

Qoraaga ayaa sheegay in marka dib loo akhriyo isku dayada fashilmay ee Mareykanka ku wajahay Soomaaliya ay sii xoojineyso aragtida ah in xal diblumaasiyadeed la adeegsado iyo wada hadalka si loo soo afjaro dagaalkan balaayiinta dollar lagu bixiyey welise wax guul ah laga xaqiijin, taas oo uu sheegay inay dan weyn ugu jirto Mareykanka maadama dhiigbax nafeed iyo mid dhaqaale kala kulmay furinta bariga Africa, welina fari ka qodneen.

Mareykanka ayaa muddo aad u dheer adeegsanayey awood military si loo maquuniyo Mujaahidiinta bariga Africa, haba ugu sii darnaado wixii ka dambeeyey sanadkii 2008 kolkaas oo uu sii xoojiyey duullaanka military ee ka dhanka ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sidoo kalena bilaabay inuu duqeymo ku beegsado hogaankooda, balse dhamaan madaxdii soo maray Mareykanka oo iska dhaxlayey meelmarinta istaraatiijiyadaas ayaa hadda wajahaya mucaaradad xoogan oo ah tilmaameysa inay suuragal noqon weysay in awood military looga adkaan karo Mujaahidiinta.

Qoraaga maqaalkan ayaa wuxuu leeyahay: “Tan iyo sanadkii 2007, Xukuumada Washington ayaa adeegsaneysay istaraatiijiyad ku dhisan awood military oo u eg mid laga soo min guuriyey Yahuudda, taas oo aaminsan in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab looga adkaan karo awood military, iskuna dayeyso in la wiiqo awoodda dagaalyahanadooda iyadoo aanay jirin ujeedo ama hadaf kale oo ay ugu dambeeyntii xaqiijineyso siyaasadaasi, waxaase muuqata in aanay marnaba shaqeynin istaraatiijiyadaasi, ayna Soomaaliya ka dhigtay un oo kaliya mid ku sii fogaada boholada dagaalada iyo wax iska caabinta”

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Muddo 20 sano ah oo hadda laga joogo, dagaalkii ciidamada Mareykanka lagu jebiyey ee ka dhacay Muqdisho 1993-kii, wuxuu Mareykanku si toos ah ugu lug leeyahay dagaalada ka socda Soomaaliya, waxay soo taageertay hogaamiye kooxeedyadii dagaal oogeyaasha ahaa, waxay soo tabantaabisay duullaankii ciidamada Itoobiya ee 2006dii, waxay soo taakuleysay ciidamada midowga Africa ee isku fidiyey magaalooyinka Soomaaliya, waxayna sidoo kale fagaaraha dagaalka ee Soomaaliya ku daabushay guutooyin katirsan ciidankeeda oo saldhigyo ka sameystay wadanka si ay halkaas uga hagaan dagaalka balse ilaa hadda natiijo wax ool ah ma aysan lasoo hoyan.

Laga soo bilaabo 2011 ilaa hadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa duqeymo ka geystay gudaha Soomaaliya kuwaas oo beegsaday xubno katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo dad shacab ah, waxaana Soomaaliya lagu tiriyaa wadamada ugu badan ee ay ka howlgalaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayna galaafteen nolosha boqolaal dad Muslimiin ah oo aan waxbo galabsan oo ay ku jiraan dumar iyo caruur.

Markii uu talada aqalka Mareykanka la wareegay Donald Trump, madaxweynihii ugu dambeeyey ee xilka ka degay, waxaa Soomaaliya uu u aqoonsaday aag ka caagan dagaalada, waxaa sii lixaadsaday duqeymaha ka dhanka ah deegaanada ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana diyaaradaha drones ay ka fuliyeen in ka badan 150 duqeyn oo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya mudadii uu xafiiska joogay.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Jihaadiyiinta bariga Africa uusan wax saameyn ah ku yeelan guluf dagaaleedkii xooganaa ee uu Trump ku qaaday mudadii uu xafiiska joogay, islamarkaana ay ka gudbeen kana soo kabsadeen dhamaan culeysyadii iyo dib u dhacyadii ay kala kulmeen dagaaladii lagu hayey dhowrkii sano ee lasoo dhaafay. Taliyihii ugu dambeeyey ee wareejiyey xilka taliyaha ciidamada Mareykanka ee Africa, wuxuu sheegay in markii uu imaanayey xafiiska iyo hadda uu xilka wareejinayo ay Mujaahidiintu xoogan yihiin imika oo uu sheegay inay isku sii fidinayaan aagag horleh oo aysan horay uga howli jirin ama weeraradooda ka badqabay.

Diraaso la baahiyey sanadkan ayaa lagu sheegay in tan iyo sanadkii 2007 kii ay sanadba sanadka xiga sii ballaaraneysay awoodda Mujaahidiinta bariga Africa iyo howlgaladooda Jihaadigaah, si gaar ahna intii u dhexeysay sanadihii 2017 ilaa 2020 ay sii laba jibaarmeen weerarada Mujaahidiinta, waxaana la yaableh in mudadaas ay sheegayaan inay howlgalada Mujaahidiinta sii laba jibaarmeen ay tahay isla mudada Mareykanku uu awoodii ugu badneyd u adeegsaday dagaalka ka dhanka ah Mujaahidiinta, waa mudadii uu xilka hayey madaxweynihii hore ee Donald Trump.

Qoraagu wuxuu leeyahay, Mareykanka mudadii uu hogaaminayey dagaalka ka dhanka ah Shabaab, waxaa ciidamada uu dhisay ee uu qalabeeyey uu ugu kalsooni badan yahay guutada loo yaqaano Danab, iyaduna waa guuto aanan difaacan karin hal magaallo hadii ay kasoo tagaan ciidamada Mareykanka ee wehlinaya ama diyaaradaha Drones ka ee guuxooda iyo harkooda ay geesinimada ka raadsadaan. Marka laga yimaado taagdaradooda, hadana ciidankaas wuxuu noqday mid aan sumcad lahayn markuu uu dhowrjeer ku lug yeeshay gumaad loo geystay dad shacab ah, sidoo kalena loo adeegsaday dagaallo beeleedyo ka dhacay meelo ka mid ah wadanka markii ay taliyeyaashii hogaaminayey ay u adeegsadeen danahooda gaarka ah.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin Istaraatiijiyadda Mareykanka ee ku fashilantay Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular