Doorashada madaxtinimada wadanka Kenya oo dhacday sagaalkii Augost ee 2022 ayaa si rasmi ah loo shaaciyay qofka ku soo baxay xilika madaxtinimo ee wadankaas.
Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Kenya ayaa ku dhawaaqay in William Ruto uu yahay qofka hogaamin doona Kenya sanadaha soo socda.
Ruto ayaa helay codad gaaraya 7,176,141 cod oo ka dhigan 50.49%, waxaa kusoo xigay oo isna helay codad badan balse laga guuleystay Raila Odinga, wuuna helay 6,942,930 cod, oo ka dhigan 48.85%.
Waxaa sidoo kale jira laba musharax oo oo doonayay iney noqdaan madaxweyne balse helay codad aad u yar marka loo fiiriyo Odinga iyo Raila, isku darka codadka ay heleen labadaas musharax ayaana dhameyn boqoliiba hal.
Kadib ku dhawaaqistii Wilyan Ruuto xaruntii lagu lagu soo bandhigay cida guuleystay waxaa hareeyay buuq iyo qalalaaso kuwaasoo ay kiciyen taageerayaasha Raila Odinga oo aad uga soo horjeestay natiijada ku dhawaaqista.
Rabshadaha wexey ku fideen magaalooyin ay kamid tahay Caasimada Kenya Nairoobi, wexeyna wadooyin ku gubayeen taayaro iyagoona sheegayay in codadka doorashada lagu shubtay.
Durbaba markii lagu dhawaaqay in Wilyam Ruuto yahay Madaxweynaha Kenaya ayaa waxaa u hambalyeeyay Madxweynihii ee DF Maxamed Cabdullaah Farmaajo iyo qaar kamdi ahaa maamul goboleedyadii Taageersanaa xiligii uu Madxweynaha ahaa sida kan Galmudug iyo Koonfur Galbeed.